Doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada!
Dhallinyaradu waa Hoggaamiyaha bulshadu hibanayso iyo halyeyga dalku u baahi qabo, dal walba muhiim bay u tahay inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasadda ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummaddooda
Dhallinyaradu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah dhallinyaradooda samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynnu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen dhallinyaro dareenka masuuliyadnimo damqay.
Waxa qiraal ah in bulsho walba oo adduunka ka jirta mustaqbalka ay leeyihiin uu yahay dhallinyartooda togan. inta badan waxaa lagu sifeeyaa “Madaxda berri” sida aan ka maqalnay waqtiyo badan siyaasiinteenna si ay ugu juxaansadaan goobaha ay dhallinyaradu kula kulmaan.
dhadhansiga dhawaaqa erygani waa mid aan ku duxin dareenna ku samayn dhallinyarteenna waqtiga dhallinyaranimo balse ay gole kaga kac iyo afgobaadsi siyaasi u fahmaan.
Dhallintu waa muraayadda iyo masiirka bulshada, waxaa muhiim ah inaad dareento rajada ummadda soomaaliyeed ay naawilayso inay tahay dhallinyarada caqliga, cududa iyo cilmiga leh ee waqtigan nool.
Waa maxay doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada?
Tamarta ugu badan ee dalkeenna waa dhallinyarada aqoonta iyo aragtida togan leh. ka qayb qaadashada hoggaanka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadda waa tan keliya ee dhallinyarada is beddel quman, iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xorriyadeed. Marka loo eego dhallinyartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is beddeladu ku keeneen.
In dhallinyaradu kaalin ku lahaato siyaasadda waxay dar dargelin kartaa hannaanka maamulka iyo hammiga bulsho ee aan ku taamayno.
Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale.
Intaas aan soo sheegnay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhallinyarada ah uu u-dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himmilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.
Dhallinyaradu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinkara inay sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qayb-qataan siyaasadda, haddii aan isku dayno inaan wax ka sheegno fursadaha ay haystaan waxaa ka mid ah;
- Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynkarta inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.
- Siyaasaddu waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo urruro kala gadisan, xilligaa ay marayaan awgeed dhallinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen koox, koox iyo isbahaysi.
- Dhallinyaradu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo is beddelka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda iyo cilmiga, taasina waxay u suurto galinaysaa inay noqdaan dad wacyi leh, kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.
- Qabka iyo xamaasadda ku jira dhallinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.