Dallada PYAN oo qabatay dood cilmiyeed ku saabsan joojinta tahriibka dhalinyarada

Dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN oo taageero ka helaysay hay’adda caalamiga ah ee CARE, ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan joojinta tahriibka dhalinyarada.

Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay, wasiiro ku xigeeno katirsan xukuumada Puntand, xildhibaano, murashixixiin u taagan aqalka hoose iyo wakiilo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.

Aweys Axmed Sardheeye, gudoomiyaha dallada PYAN ayaa sheegay doodaan inay qeyb ka tahay barnaamij lagu magacaabo “Jooji tahriibka oo aamin wadaankaaga, barnaamijkaas oo la doonayo inuu qeyb lixaad leh ka qaato sidii wax looga qaban lahaa tahriibka dhalinyarada reer Puntland ee dalkooda ka hayaamaya.

“Waxaan ugu talo galnay barnaamijkaan inaan isaga wacyi gelino Tahriibka oo aan isla qaadano sidii Tahriibka aan ula dagaalami lahayn. Waxaan wasiirada iyo xildhibaanada ugu yeernay inay ka dowlad ahaan noo muujiyaan kaalintooda kaga aadan la dagaalanka Tahriibka,” ayuu yiri Aweys Axmed Sardheye.

Jaamacadda Bosaso faraceeda magaalada Garowe ayaa madasha dooda kusoo bamdhigtay cilmi baaris ay ka sameysay sababaha ay dhalinyarada u tahriibaan, cilmi baaristaan oo ay jaamacaddu ka sameysay labo gobol oo katirsan Puntland, iyadoo ku wareysatay in ka badan 2,000  dhalinyaro ah, oo wax laga weydiiyay waxa qofka dhalinyarada ah ku qasba inuu wadankiisa ka Tahriibo.

Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil ayaa sheegay barnaamijkaan inuu yahay  barnaamij muhiim ah oo kaalin xoog leh ka qaadan kara inuu dhalinyarada ka saaro fikrada tahriibta, sidoo kale ku dhiiri gelinaya inay wadankooda ku kalsoonaadaan.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Maxamed Xaashi (Qoobdeero), ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay naftooda ka ilaaliyaan halista tahribka islamarkaana ay ogaadaan inuusan jirin wadan dalkooda u dhamaada xag shaqo iyo xag nololeed.

Daawo sawiradda.

_dsc0094_dsc0095_dsc0097_dsc0099_dsc0102_dsc0106_dsc0109_dsc0111_dsc0112_dsc0115_dsc0121_dsc0122_dsc0123??????????????????????????????????????????????????????????????_dsc0128_dsc0132???????????????????????????????_dsc0138_dsc0140_dsc0147_dsc0150_dsc0152_dsc0153_dsc0155_dsc0157_dsc0160_dsc0161_dsc0163_dsc0165_dsc0176_dsc0179

Sa