Category Archives: News

Kulanka Dhalinyarada doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada

19-21 March 2022 Dalladda Dhallinyarada Puntland ayaa soo qaban qaabisay madal kulmisay qaybaha kaladuwan ee dhallinyarada Puntland iyo daneeyaasha arimaha dhallinyarada, dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka.Madasha waxaa ka soo qaybgalay ururrada dhallinyarada ee heer gobol, ururrada isku xirka dhallinyarada, ururrada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo ururrada siyaasadda Puntland, UN-ka, Hay’ahada calamiga ah, Dowladda iyo Guddiga doorashooyin puntlan, Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay oo goob joog ahaa xubno dhallinyaro ah oo ku soo baxay golahayaasha deegaan saddexda dego Qardho, Eyl iyo Ufeyn.Ujeeddada madasha waxay ahayd mowduuc u gaar ah dhallinyarada, si loogu lagu lafo guro arrimha Ka qaybgalka siyaasadda, hoggaaminta doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, si loo helo jawi nabdoon oo loogu talagalay dhallinyarada Puntland, si ay dood wadaag ula yeeshaan odayaasha iyo dadka kale ee ay khusayso.Madashu intii ay socotay waxaa looga dooday• Fursadaha iyo caqabada horyaalla dhallinyarada ee ka qaybgalka siyaasadda• Abuurista hannaan ay dhallinyaradu ku muujiyaan rabitaankooda• Fikrado wax ku ool u ah dhalliyarada si kor loogu qaado fursadaha dhallinyarada ay kaga qaybqaadan karaan dimuqraadiyaynta iyo heerarka kala duwan ee doorashooyinka.• Kor uqaadidda aqoonta iyo xirfadda dhallinyarada.Ugu dambayn Dallada dhallinyarada Puntland waxay u mahadcelin hay’adaha kala ahFBA, UNFPA Somalia, United Nations Assistance Mission in Somalia – UNSOMPuntland Development Research Center-PDRC oo door muhiim ah ka qaatay qabsoomida kulankan muhiimka.

Kulanka Bulshada rayidka Puntland ivo G.K. ee Doorashoyinka federalka

Guddoomiyaha Dalladda PYAN Liibaan Maxamed Xuseen ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay wadayeesheen Bulshada rayidka Puntland iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro. Kulan ayaa daarannaa is xog waraysi labada dhinac oo la xiriira arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka war bixiyay halka ay wax u marayaan iyo guud ahaan hannaanka ay wax ugu socdaan. Sidoo kale Bulshada rayidka Puntland ayaa Guddoomiyaha Cirro la wadaagay xogo badan oo la xiriira doorashooyinka iyo khibradihii ay ka dhaxleen doorashadii 2016 ka dhacday dalka.

Kulan ayaa ku soo idlaaday sidii loo dardargalin lahaa guud ahaan doorashooyinka dalka, Doorka bulshada rayidka ee ka qayb-qadashada doorashooyinka dalka uu noqdo mid muuqda.

kor u qaadida xirfada hogaamineed ee dhalinyarada iyo hawenka

Dhallinyarada iyo Haweenka waa lafdhabarta bulshadeenna, waxay xaq u leeyihiin inay qayb ka noqdaan hoggaanka iyo maamulka dalka.

Si loo helo dhallinyaro iyo haween door kuleh jaan-goonyta go’aamada lagu soo xulaayo ama lagu soo dooranaayo hoggaanka iyo maamulka dalka ayaa Dalladda Dhallinyarada ee PYAN oo taageero ka helaysa Xafiiska Diakonia Somalia tababar u qabatay dhallinyaro iyo haween, waxaana lagu tababaray hoggaaminta wanaagsan iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Tababarka waxaa ka soo qaybgalay oo furay wasiir ku-xigeenka wasaraadda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeenta Puntland, Madane Cabdiweli Mire Xirsi. Wasiirka ayaa dhallinyarada iyo haweenka kula dardaarmay inay qayb ka noqdaan isbeddellada horumarineed ee ka socda Puntland.

Haddii dhallinyarada iyo haweenka lagu wacyigaliyo oo door lagasiiyo inay qayb ka noqdaan go’aan gaarayaasha masiirka dadka iyo dalka waxaa laga dhaxlayaa bulsho u heellan inay wax ka beddel ku sameeyso hab fikirkeeda Dhaqan, Siyaasadeed iyo Dhaqaale

Dhagayso:- Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Puntland oo ka hadlay Tartankii Galabta iyo Guusha Puntland

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada dawlada Puntland ee Bayaan mudane Aways Axmed Sardheeye, ayaa ka hadlay koobkii ay qaaday dawlada Puntland iyo gushii ay ka gareentay koobkii maamul goboleedyada ee ka socday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa hanbalyo u diray dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed waxaana sidoo kale uu sheegay in Puntland ay hormar buuxa ka gaartay dhanka Sportska ama ciyaaraha waxana uu carabka ku dhuftay inaytaasi sahashay amniga iyo hormarka ka jira dal.

Gudoomiyaha ayaa soo hadal qaaday Puntland inay ahayd hooyadii Soomaaliya koobkana yahay kii ugu horeyey ee noociisa ah ee lagu qabto dalka isla markana Puntland uu minaasib ku ahaa hana ay sidaasi iyo dadaalkii dheeraa ku heshay.

Aways Axmed Sardheeye, ayaa sidoo kale wuxuu hanbalyo taas lamid ah u diray xulka dawlad goboleedka jubbaland ee kaalinta labaad galay tartankii koobkii maamul goboleedyada ee ka socday magaalada Muqdisho ee caasumada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Gaba gabadii mudane Aways ayaa sheegay Soomaaliya inay hormar ku tilaabsatay hadii shalay laga daawan jiray ciyaaro reer yurub oo quruxbadan ama si wanaagsan loo soo sawiro maanta laga heli karo gudaha dalka Soomaaliya ayna tahay guul.

Halkaan ka dhegeyso gudoomiyaha dhalinyaradda puntland.

 

(Sawirro):-Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo Sagootiyay Dhalinyaro Reer Puntland oo Jig-jiga Shir uga qayb galaya.

Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland Aways Axmed Sardheeye oo uu weheliyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug DUD MUDUG Jac’far Yuusuf Cabdalla ayaa sagootiyay 5 dhalinyaro ah oo laga soo xulay Gobolada Puntland kana qaybgalaya shir caalami ah oo ka dhacaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Munaasabad kooban oo dhalinyarada shirka ka qaybgalaysa loogu qabtay Garoonka Diyaardaha Cabdulaahi Yuusuf ayaa Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland Aways Axmed Sardheeye kula dardaarmay matalaad dhab ah.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland inay guul u tahay Ururka dhalinyrada Puntland in matalaad dhab ah uu ku yeesho shirarka gudaha iyo dibada ka dhacaya kuwaas oo looga tashanayo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Dalada Ururada dhalinyarada  Gobolka Mudug Mudug DUD MUDUG Jac’afar Yuusuf Cabdalla ayaa dhankiisa la dardaarmay dhalinyarada Safarka ubaxaya waxaana uu u raeejayay guul.

PYAN oo ah Ururka dhalinyarada Puntland ayuu Gudoomiye Jac’far uga mahad celiyay dadaalkooda horumarinta dhalinta Reer Puntland.

1

2

(Sawirro):- Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland & wafdi uu hogaaminayo oo Kismaayo Gaaray.

Magaalada Kismaayo  waxaa manta lagu soo dhaweeyay Naadiga Comsed ee Gaalkacyo,iyadoona halkaan ay ku samayn doonaan kulamo saaxiibtinimo oo ay la ciyaari doonaan naadiyo ka dhisan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ahee Jubbaland.

Ciyaartoyda iyo Naadiga Comsed ayaa Safarkooda waxaa ku wehelinayay Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland,Xoghayaha Xariirka Kubada Cagta Gobolka Mudug Yuusuf Carab, iyo Garsoorayaal heer Soomaaliya  ah, iyadoona kulamada ciyaaraha ka sokow kulamo kale uu Kismaayo ka samayn doono Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland.

Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ayaa naadiga waxa akusoo dhaweeyay, Maamulka Degmada, kan Ciyaardaha ee Jubbaland iyo dadwayne kale, waxaana dhamaantood ay shegeen in ay ku faraxsan yihiin naadiga Comsed & wafdiga kasocda Dalada Guud ee dhalinyarada Puntland.

Ugu horayn waxaa hadal kooban Jeediyay Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Tima  waxaana uu sheegay in Kismaayo ay kusoo dhawaynayaan Naadiga Comsed & Dalada dhalinyarada Puntland, iyadoona intaas uu ku daray in Kulamada halkaan ka dhici doona ay sahlayaan isdhexgalka dhalinyarada Soomaaliya

Aways Axmed Sardheeye Gudoomiyaha dhalinyarada Piuntland ayaa dhankiisa hadal uu jeediyay sheegay in muhiim ay tahay xariir iyo wada shaqayn wanaagsan oo dhexmarta Daladaha dhalinyarada Jubbaland iyo Puntland.

‘’Waxaan halkaan u imaanay arrimo isdhexgal Ciyaaro ayuu samayn doonaa Naadiga Comsed, waxaan kaloo anagu kulamo la qaadan doonaa maamulka Jubbaland Hay’adihiisa ha dhalinyarada quseeya  iyo Dalada dhalinyarada, waxaana Is arageenu uu horseedayaa Xariir labada dhalinyaro dhexmara kaas oo Isdhexgal ku salaysan’’ Ayuu Yiri Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland.

Gudoomiyaha Naadiga Comsed Cabdiqani Carabay ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta loogu sameeyay Kismaayo iyo Marti qaadka, dhanka kalena waxaa uu bogaadiyay Nuuradiin aadan Diiriye oo fududeeyay Safarka ay ku soo gaareen Magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Hoos ka Daawo Sawirro

IMG_0005 IMG_0022 IMG_0029 IMG_0032 IMG_0075 IMG_0116 IMG_0121 IMG_0142 IMG_0173 IMG_0174 IMG_0175 IMG_0178 IMG_0191 IMG_0213 IMG_0271 IMG_0285 IMG_0291 IMG_0293 IMG_9982 IMG_9985  IMG_0208 IMG_0255 IMG_0257 IMG_0269 IMG_0288 IMG_9983

 

(Sawirro)-Dallada ururada dhalinyarada Puntland oo xubin ka noqotay dallada jaaliyada Puntland ee Yurub

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu daah-furayey wada shaqaynta dallada dhalinyarada Puntland PAYA-N iyo dallada ururada qurba joogta Puntland ee yurub oo ka dhacday magaalada Garoowe.

Munaasada daahfurka ahayd ayaa waxaa goob joog ka ahaa sidookale wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland,xubno ka tirsan dhaliyarada iyo qurba joogta Puntland ee qaarada Yurub.

Ujeedada munaasabadaan ayaa daaranayd kamid noqoshada dallada dhalinyarada Puntland ee PAYAN ay kaga mid noqonayso dallada ururada qurbe joogta Puntland ee qaaradda yurub.

Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland ee PAYAN uways Axmed Sardheeye oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in ka dhabeeyeen balanqaadkoodii ahaa in ay xiriir u sameeyaan dhalinyarada puntland iyo qurbe joogta tani ay qayb ka tahay hirgalinta balan qaadkaasi,ayna waxbadan ku rajaynayaan qurnbe joogta Puntland.

Cabdiqani Axmed Ducaale oo ah gudoomiyaha 14 urur oo ku midaysan yihiin ururada qurbe joogta Puntland iyo labo urur oo ka tirsan dalka Finland ayaa sheegay in dalladooda ay gacan qaban doonto dallada ururada dhalinyarada Puntland ayna waxyaabo badan ka kaalmayn doonaan si dalladu ay guulo uga gaarto talaabooyinka ay hiigsanayso ee ku aadan horumarinta dhalinyarada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji oo munaasabada si rasmi ah u daahfuray ayaa ugu baaqay ururadda qube joogta Puntland inay gacan siiyaan dhalinyarada Puntland waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay in ay midoobaan dallada ururadda dhalinyarada Puntland dallada qube joogta Puntland ee yurub.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ay ku dhamaadeen tahriibka Badda oo uu sheegay inuu yahay dhibaato ku habsatay dhalinyarada Puntland waxaana uu intaa ku daray inay gacan ka gaysan karaan qurbe joogta Puntland sidii dhalinyada dhibaatadaas looga hor joogsan lahaa.

Sawirro.

DSC07748 DSC07745 DSC07743 DSC07740 DSC07725 DSC07728 DSC07723 DSC07718 DSC07720 DSC07735 DSC07722   DSC07713 DSC07714 DSC07715 DSC07710 DSC07707 DSC07705 DSC07704 _DSC4720 _DSC4709