(Sawirro)-Dallada ururada dhalinyarada Puntland oo xubin ka noqotay dallada jaaliyada Puntland ee Yurub

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu daah-furayey wada shaqaynta dallada dhalinyarada Puntland PAYA-N iyo dallada ururada qurba joogta Puntland ee yurub oo ka dhacday magaalada Garoowe.

Munaasada daahfurka ahayd ayaa waxaa goob joog ka ahaa sidookale wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland,xubno ka tirsan dhaliyarada iyo qurba joogta Puntland ee qaarada Yurub.

Ujeedada munaasabadaan ayaa daaranayd kamid noqoshada dallada dhalinyarada Puntland ee PAYAN ay kaga mid noqonayso dallada ururada qurbe joogta Puntland ee qaaradda yurub.

Gudoomiyaha dallada dhalinyarada Puntland ee PAYAN uways Axmed Sardheeye oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa sheegay in ka dhabeeyeen balanqaadkoodii ahaa in ay xiriir u sameeyaan dhalinyarada puntland iyo qurbe joogta tani ay qayb ka tahay hirgalinta balan qaadkaasi,ayna waxbadan ku rajaynayaan qurnbe joogta Puntland.

Cabdiqani Axmed Ducaale oo ah gudoomiyaha 14 urur oo ku midaysan yihiin ururada qurbe joogta Puntland iyo labo urur oo ka tirsan dalka Finland ayaa sheegay in dalladooda ay gacan qaban doonto dallada ururada dhalinyarada Puntland ayna waxyaabo badan ka kaalmayn doonaan si dalladu ay guulo uga gaarto talaabooyinka ay hiigsanayso ee ku aadan horumarinta dhalinyarada Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji oo munaasabada si rasmi ah u daahfuray ayaa ugu baaqay ururadda qube joogta Puntland inay gacan siiyaan dhalinyarada Puntland waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay in ay midoobaan dallada ururadda dhalinyarada Puntland dallada qube joogta Puntland ee yurub.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in dhalinyarada Puntland ay ku dhamaadeen tahriibka Badda oo uu sheegay inuu yahay dhibaato ku habsatay dhalinyarada Puntland waxaana uu intaa ku daray inay gacan ka gaysan karaan qurbe joogta Puntland sidii dhalinyada dhibaatadaas looga hor joogsan lahaa.

Sawirro.

DSC07748 DSC07745 DSC07743 DSC07740 DSC07725 DSC07728 DSC07723 DSC07718 DSC07720 DSC07735 DSC07722   DSC07713 DSC07714 DSC07715 DSC07710 DSC07707 DSC07705 DSC07704 _DSC4720 _DSC4709