Author Archives: Pyanuser

War Murtiyeed

Dhallinyarada Puntland waxay bulshada uga  jiraan kaalin mug iyo miisaaba leh.  Ka sokow inay yihiin tirada ugu badan ee bulshada Puntland, waxay sidoo kale door shariif ah ka qaataan horumarka bulshada, nabad dhiska, iyo dawlad wanaagga, waxayna door wayn ka qaateen dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hanaqaadday Puntland. 

Kulanka Dhalinyarada doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada

19-21 March 2022 Dalladda Dhallinyarada Puntland ayaa soo qaban qaabisay madal kulmisay qaybaha kaladuwan ee dhallinyarada Puntland iyo daneeyaasha arimaha dhallinyarada, dimuqraadiyaynta iyo doorashooyinka.Madasha waxaa ka soo qaybgalay ururrada dhallinyarada ee heer gobol, ururrada isku xirka dhallinyarada, ururrada dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo ururrada siyaasadda Puntland, UN-ka, Hay’ahada calamiga ah, Dowladda iyo Guddiga doorashooyin puntlan, Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay oo goob joog ahaa xubno dhallinyaro ah oo ku soo baxay golahayaasha deegaan saddexda dego Qardho, Eyl iyo Ufeyn.Ujeeddada madasha waxay ahayd mowduuc u gaar ah dhallinyarada, si loogu lagu lafo guro arrimha Ka qaybgalka siyaasadda, hoggaaminta doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda, si loo helo jawi nabdoon oo loogu talagalay dhallinyarada Puntland, si ay dood wadaag ula yeeshaan odayaasha iyo dadka kale ee ay khusayso.Madashu intii ay socotay waxaa looga dooday• Fursadaha iyo caqabada horyaalla dhallinyarada ee ka qaybgalka siyaasadda• Abuurista hannaan ay dhallinyaradu ku muujiyaan rabitaankooda• Fikrado wax ku ool u ah dhalliyarada si kor loogu qaado fursadaha dhallinyarada ay kaga qaybqaadan karaan dimuqraadiyaynta iyo heerarka kala duwan ee doorashooyinka.• Kor uqaadidda aqoonta iyo xirfadda dhallinyarada.Ugu dambayn Dallada dhallinyarada Puntland waxay u mahadcelin hay’adaha kala ahFBA, UNFPA Somalia, United Nations Assistance Mission in Somalia – UNSOMPuntland Development Research Center-PDRC oo door muhiim ah ka qaatay qabsoomida kulankan muhiimka.

Shirwaynaha Dhalinyarada Puntland 2022

16 January 2022 Waxaa si guul ah ku soo dhammaaday shirwaynahay Dhallinyarad Puntland oo qabashadiisa ay iska ka kaashadeen Dalladda PYAN iyo Wasaaradda Dhallinyarada, Cayaaraha Shaqada iyo Shaqaalaha Puntlnad.Shirka waxaa ka soo qaybgalay oo furay madaxweynahay Dowladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Wasiirka W. Dhallinyarad iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada puntland ee PYAN iyo dhammaan dhallinyaro ka kala socotay sagaalka gobol ee dowladda Puntland oo ay ugu horreeyaan guddoomiyaasha dalladaha dhallinyarda gobolada. Waxaa kaloo iyaguna ka soo qaybgalay shiraka qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland.Shirka oo muddo laba bari ah socday waxaa lagu lafaguray arrimaha dhallinyarada puntland sida; Xal u helidda shaqalahaanta baahsan ee haysata dhallinyarada, Ka qaybgalka siyaasadda iyo hoggaanka dalka, Kor u qaadiidda xirfaddooda iyo aqoontooda, Ka waycigalinta mukhaadaradka iyo tahriibta, Ka qaybqaadashadooda xasilloonida iyo nabadda dalka iyo Siday uga qaybqaadan lahaayeen dimuquraadiyadda Puntland. Waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.Dalladda dhallinyarada Puntlnad waxay halkaan ugu mahadcelinaysaa dhammaan ka so qaybgalayaashii shirka iyo intii gacan ka gaysatay inuu qabsoomo markii labaad shirweynaha dhallinyarada puntland oo aygu horreyso xafiiska hay’adda Diakonia Somalia.Ugu dambayn Dalladda PYAN waxay dhallinyarada puntland u rajaynaysaa guul iyo horumar.

Kulanka Bulshada rayidka Puntland ivo G.K. ee Doorashoyinka federalka

Guddoomiyaha Dalladda PYAN Liibaan Maxamed Xuseen ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay wadayeesheen Bulshada rayidka Puntland iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro. Kulan ayaa daarannaa is xog waraysi labada dhinac oo la xiriira arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka war bixiyay halka ay wax u marayaan iyo guud ahaan hannaanka ay wax ugu socdaan. Sidoo kale Bulshada rayidka Puntland ayaa Guddoomiyaha Cirro la wadaagay xogo badan oo la xiriira doorashooyinka iyo khibradihii ay ka dhaxleen doorashadii 2016 ka dhacday dalka.

Kulan ayaa ku soo idlaaday sidii loo dardargalin lahaa guud ahaan doorashooyinka dalka, Doorka bulshada rayidka ee ka qayb-qadashada doorashooyinka dalka uu noqdo mid muuqda.

kor u qaadida xirfada hogaamineed ee dhalinyarada iyo hawenka

Dhallinyarada iyo Haweenka waa lafdhabarta bulshadeenna, waxay xaq u leeyihiin inay qayb ka noqdaan hoggaanka iyo maamulka dalka.

Si loo helo dhallinyaro iyo haween door kuleh jaan-goonyta go’aamada lagu soo xulaayo ama lagu soo dooranaayo hoggaanka iyo maamulka dalka ayaa Dalladda Dhallinyarada ee PYAN oo taageero ka helaysa Xafiiska Diakonia Somalia tababar u qabatay dhallinyaro iyo haween, waxaana lagu tababaray hoggaaminta wanaagsan iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Tababarka waxaa ka soo qaybgalay oo furay wasiir ku-xigeenka wasaraadda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeenta Puntland, Madane Cabdiweli Mire Xirsi. Wasiirka ayaa dhallinyarada iyo haweenka kula dardaarmay inay qayb ka noqdaan isbeddellada horumarineed ee ka socda Puntland.

Haddii dhallinyarada iyo haweenka lagu wacyigaliyo oo door lagasiiyo inay qayb ka noqdaan go’aan gaarayaasha masiirka dadka iyo dalka waxaa laga dhaxlayaa bulsho u heellan inay wax ka beddel ku sameeyso hab fikirkeeda Dhaqan, Siyaasadeed iyo Dhaqaale

Xal u helida caqabadaha ka dhashay xanunka Covid-19 ee saameynta u Ku yeeshay waxbarashada.

Caabuqa Covid-19 waxa uu galaaftay nafaha boqolaal kun oo qof, oo dunida daafaheeda ku noolaa, sidoo kale waxa uu saamayn ku yeeshay nooc-kasta oo nolosha aadanaha dunida ku nool.

Meelaha uu saamaynta ba’an ku yeeshay waxaa kamid ah waxbarashada oo isbeddel ku dhacay habkii wax loo baranjiray oo ahaa in macallinka inta uu fasalka soo galo ardayda si toos ah usiiyo casharrada. Habkaasi markii uu meesha kabaxay waxaa soo kor dhay in waxbasharashadii iyo duruustii lagu gudbiyo hab fogaan aragga ah oo ah mid caqabadihiisa wata.

Haddaba waxaa jira dad badan oo aan awooddin helitaanka agabka loo isticmaalo waxbarashada fogaan aragga ah, sida; Computer-ka, Telefon-ka Smartphones-ka ah, Internet-ka iyo Korontada. Si arrintaas xal loogu raadsho ayaa Dalladda ururrada Dhalinyarada ee PYAN oo kaashanaysa Global Campaing for Education GCE ayaa waxay qabatay kulan ay ugu talagashay wacyigalin iyo u-qareemid si loo helo imkaaniyaadka lagama maarmaanka ah ee ka saacidaya dadka aan awooddin ka qeybgalka waxbarashada fogaan aragga ah.

Dadka ay caqabadahaani la soo gudboonaadeen ama la soo dareen waxaa ka mid ah Danyarta, Barakacaaysha iyo dadyowga ku nool meelaha fogfog ama tuulooyinka ah.

Waxaa laga yabaa in dad badani aanay ka war heyn caqabadahaan ay Covid-19-ka kala kulmeen bulshooyinka nugul, sidoo kale aynu wali halis ugu jirno caabuqa oo soo laba kacleeya. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo oo loo qareemo sidii carruurta bulshooyinka aan kor ku soo sheegnay aanay uga hari laheyn waxbarashada.

Kulan loo qabtay Odayaasha dhaqanka iyo Culumada.

Dallada Dhallinyarada Puntland ayaa waxay soo agaasintay Kulan looga hadlaayay doorka Dhallinyarada iyo Haweenka ee ka qayb-galka siyaasadda iyo hoggaaminta dalka. kulanka waxaa ka soo qaybgalay oo goobjoog ka ahaa hoggaanka Dhaqanka, Culumada, Dalladda PUNSAA, Wasaaradda dhallinyarada iyo Wasaaradda Haweenka. Dalladda Pyan waxaa ka go’an inay u qareento dhallinyarada sida ay hoggaanka iyo talada qayb uga noqonlahaayeen. Dhallinyaradu waa laf dhabarta bulshada, waxayna xaq uleeyihiin inay helaan nool fiican iyo horumar nafeed.

Tababar loo qabtay Dhallinyaro iyo Haween.

Dhallad Ururrada Dhallinyarad Puntland waxay Magaalada Garoowe tababar ku saabsan ka qayb-galka doorashooyinka golayaasha Degaanka ee Puntland u qabatay Dhallinyaro iyo Haween. Tabarkaan oo xoogga lagu saraayay Tayeynta iyo Kor u qaadidda Dhallinyarada iyo Haweenka si ay fahamka guud uga helaan doorashooyinka Dowladaha hoose ee Puntland.

Doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada!

Doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada!

Dhallinyaradu waa Hoggaamiyaha bulshadu hibanayso iyo halyeyga dalku u baahi qabo, dal walba muhiim bay u tahay inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasadda ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummaddooda

Dhallinyaradu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah dhallinyaradooda samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynnu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen dhallinyaro dareenka masuuliyadnimo damqay.

Waxa qiraal ah in bulsho walba oo adduunka ka jirta mustaqbalka ay leeyihiin uu yahay dhallinyartooda togan. inta badan waxaa lagu sifeeyaa “Madaxda berri” sida aan ka maqalnay waqtiyo badan siyaasiinteenna si ay ugu juxaansadaan goobaha ay dhallinyaradu kula kulmaan.
dhadhansiga dhawaaqa erygani waa mid aan ku duxin dareenna ku samayn dhallinyarteenna waqtiga dhallinyaranimo balse ay gole kaga kac iyo afgobaadsi siyaasi u fahmaan.

Dhallintu waa muraayadda iyo masiirka bulshada, waxaa muhiim ah inaad dareento rajada ummadda soomaaliyeed ay naawilayso inay tahay dhallinyarada caqliga, cududa iyo cilmiga leh ee waqtigan nool.

Waa maxay doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada?

Tamarta ugu badan ee dalkeenna waa dhallinyarada aqoonta iyo aragtida togan leh. ka qayb qaadashada hoggaanka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadda waa tan keliya ee dhallinyarada is beddel quman, iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xorriyadeed. Marka loo eego dhallinyartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is beddeladu ku keeneen.

In dhallinyaradu kaalin ku lahaato siyaasadda waxay dar dargelin kartaa hannaanka maamulka iyo hammiga bulsho ee aan ku taamayno.

Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale.

Intaas aan soo sheegnay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhallinyarada ah uu u-dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himmilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.

Dhallinyaradu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinkara inay sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qayb-qataan siyaasadda, haddii aan isku dayno inaan wax ka sheegno fursadaha ay haystaan waxaa ka mid ah;

  1. Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynkarta inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.
  2. Siyaasaddu waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo urruro kala gadisan, xilligaa ay marayaan awgeed dhallinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen koox, koox iyo isbahaysi.
  3. Dhallinyaradu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo is beddelka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda iyo cilmiga, taasina waxay u suurto galinaysaa inay noqdaan dad wacyi leh, kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.
  4. Qabka iyo xamaasadda ku jira dhallinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.