Xal u helida caqabadaha ka dhashay xanunka Covid-19 ee saameynta u Ku yeeshay waxbarashada.

Caabuqa Covid-19 waxa uu galaaftay nafaha boqolaal kun oo qof, oo dunida daafaheeda ku noolaa, sidoo kale waxa uu saamayn ku yeeshay nooc-kasta oo nolosha aadanaha dunida ku nool.

Meelaha uu saamaynta ba’an ku yeeshay waxaa kamid ah waxbarashada oo isbeddel ku dhacay habkii wax loo baranjiray oo ahaa in macallinka inta uu fasalka soo galo ardayda si toos ah usiiyo casharrada. Habkaasi markii uu meesha kabaxay waxaa soo kor dhay in waxbasharashadii iyo duruustii lagu gudbiyo hab fogaan aragga ah oo ah mid caqabadihiisa wata.

Haddaba waxaa jira dad badan oo aan awooddin helitaanka agabka loo isticmaalo waxbarashada fogaan aragga ah, sida; Computer-ka, Telefon-ka Smartphones-ka ah, Internet-ka iyo Korontada. Si arrintaas xal loogu raadsho ayaa Dalladda ururrada Dhalinyarada ee PYAN oo kaashanaysa Global Campaing for Education GCE ayaa waxay qabatay kulan ay ugu talagashay wacyigalin iyo u-qareemid si loo helo imkaaniyaadka lagama maarmaanka ah ee ka saacidaya dadka aan awooddin ka qeybgalka waxbarashada fogaan aragga ah.

Dadka ay caqabadahaani la soo gudboonaadeen ama la soo dareen waxaa ka mid ah Danyarta, Barakacaaysha iyo dadyowga ku nool meelaha fogfog ama tuulooyinka ah.

Waxaa laga yabaa in dad badani aanay ka war heyn caqabadahaan ay Covid-19-ka kala kulmeen bulshooyinka nugul, sidoo kale aynu wali halis ugu jirno caabuqa oo soo laba kacleeya. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo oo loo qareemo sidii carruurta bulshooyinka aan kor ku soo sheegnay aanay uga hari laheyn waxbarashada.