Dhallinyarada Puntland waxay bulshada uga jiraan kaalin mug iyo miisaaba leh. Ka sokow inay yihiin tirada ugu badan ee bulshada Puntland, waxay sidoo kale door shariif ah ka qaataan horumarka bulshada, nabad dhiska, iyo dawlad wanaagga, waxayna door wayn ka qaateen dimuqraadiyadda curdinka ah ee ka hanaqaadday Puntland.
Puntland Youth Association Network
Category Archives: Uncategorized
Tababar loo qabtay Dhallinyaro iyo Haween.
Dhallad Ururrada Dhallinyarad Puntland waxay Magaalada Garoowe tababar ku saabsan ka qayb-galka doorashooyinka golayaasha Degaanka ee Puntland u qabatay Dhallinyaro iyo Haween. Tabarkaan oo xoogga lagu saraayay Tayeynta iyo Kor u qaadidda Dhallinyarada iyo Haweenka si ay fahamka guud uga helaan doorashooyinka Dowladaha hoose ee Puntland.
Doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada!
Doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada!
Dhallinyaradu waa Hoggaamiyaha bulshadu hibanayso iyo halyeyga dalku u baahi qabo, dal walba muhiim bay u tahay inuu yeesho da’yar fagaaraha siyaasadda ka muuqda, qaybna ka ahaada masiirka ummaddooda
Dhallinyaradu waa halbawlaha iyo hanaqaadka ummad walba oo bulshooyinka aadanaha ka mid ah, masiirka iyo meel marka bulsho tanaaday waxaa tiir dhaxaad u ah dhallinyaradooda samataliska ah, haldoorkii hilaabtay ee halganka aynnu hadhsanayno hiigsigiisa dhaliyay waxay ahaayeen dhallinyaro dareenka masuuliyadnimo damqay.
Waxa qiraal ah in bulsho walba oo adduunka ka jirta mustaqbalka ay leeyihiin uu yahay dhallinyartooda togan. inta badan waxaa lagu sifeeyaa “Madaxda berri” sida aan ka maqalnay waqtiyo badan siyaasiinteenna si ay ugu juxaansadaan goobaha ay dhallinyaradu kula kulmaan.
dhadhansiga dhawaaqa erygani waa mid aan ku duxin dareenna ku samayn dhallinyarteenna waqtiga dhallinyaranimo balse ay gole kaga kac iyo afgobaadsi siyaasi u fahmaan.
Dhallintu waa muraayadda iyo masiirka bulshada, waxaa muhiim ah inaad dareento rajada ummadda soomaaliyeed ay naawilayso inay tahay dhallinyarada caqliga, cududa iyo cilmiga leh ee waqtigan nool.
Waa maxay doorka ka qaybgalka siyaasadda ee dhallinyarada?
Tamarta ugu badan ee dalkeenna waa dhallinyarada aqoonta iyo aragtida togan leh. ka qayb qaadashada hoggaanka dalka iyo fagaarayaasha siyaasadda waa tan keliya ee dhallinyarada is beddel quman, iyada oo ay jiraan fursado dhaqaale, aqooneed iyo xorriyadeed. Marka loo eego dhallinyartii ku dayashada mudnayd ee duruufaha iyo duur galka is beddeladu ku keeneen.
In dhallinyaradu kaalin ku lahaato siyaasadda waxay dar dargelin kartaa hannaanka maamulka iyo hammiga bulsho ee aan ku taamayno.
Horumarka nolosha awgeed, kaalinta dowladda iyo siyaasaduba ay ku leeyihiin nolosha qofka iyo bulshadaba waa mid aad u weyn, waxaa kordhay ku tiirsanaanta dowladda maadaama ay maamusho gacantana ku hayso waxbarashada mas’uulna ay ka tahay nabad galyada iyo amniga bulshada, sidoo kalena ay maareyso arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayna go’aaminayso xiriirka ay ummaddu la leedahay umadaha kale.
Intaas aan soo sheegnay oo idil waxaa laga dheehanayaa in masiirka qofku uu ku xiranyahay kuna gawracanyahay dowladda, sidaas darteed waxaa habboon in qofka dhallinyarada ah uu u-dhug lahaado siyaasadda uuna xaqiijiyo himmilada naftiisa ee ku aaddan hoggaaminta bulshadiisa.
Dhallinyaradu waxay leeyihiin awoodo badan oo ka caawinkara inay sida ugu wanaagsan u hoggaamiyaan dalkooda ugana qayb-qataan siyaasadda, haddii aan isku dayno inaan wax ka sheegno fursadaha ay haystaan waxaa ka mid ah;
- Waxay leeyihiin awood jir ahaaneed iyo mid naf ahaaneed taasoo u fududeynkarta inay gali karaan loolan iyo adkaysi fara badan.
- Siyaasaddu waxay keensanaysaa in lala shaqeeyo lagana dhex shaqeeyo kooxo iyo urruro kala gadisan, xilligaa ay marayaan awgeed dhallinyaradu waxay aad u jecelyiihiin inay ku shaqeeyeen koox, koox iyo isbahaysi.
- Dhallinyaradu waxay jecelyihiin inay la jaanqaadaan horumarka iyo is beddelka dunida gaar ahaan teknooloojiyadda iyo cilmiga, taasina waxay u suurto galinaysaa inay noqdaan dad wacyi leh, kana war qaba waxa ku hareeraysan indhahna kala haya.
- Qabka iyo xamaasadda ku jira dhallinyarada waxay horseedayaan in meeshii ay galaanba ay ka miro dhaliyaan kana muuqdaan, taasna waxay sababaysaa kororka iyo horumarka shaqada.
Dallada PYAN oo qabatay dood cilmiyeed ku saabsan joojinta tahriibka dhalinyarada
Dallada dhalinyarada Puntland ee PYAN oo taageero ka helaysay hay’adda caalamiga ah ee CARE, ayaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan joojinta tahriibka dhalinyarada.
Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay, wasiiro ku xigeeno katirsan xukuumada Puntand, xildhibaano, murashixixiin u taagan aqalka hoose iyo wakiilo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Aweys Axmed Sardheeye, gudoomiyaha dallada PYAN ayaa sheegay doodaan inay qeyb ka tahay barnaamij lagu magacaabo “Jooji tahriibka oo aamin wadaankaaga, barnaamijkaas oo la doonayo inuu qeyb lixaad leh ka qaato sidii wax looga qaban lahaa tahriibka dhalinyarada reer Puntland ee dalkooda ka hayaamaya.
“Waxaan ugu talo galnay barnaamijkaan inaan isaga wacyi gelino Tahriibka oo aan isla qaadano sidii Tahriibka aan ula dagaalami lahayn. Waxaan wasiirada iyo xildhibaanada ugu yeernay inay ka dowlad ahaan noo muujiyaan kaalintooda kaga aadan la dagaalanka Tahriibka,” ayuu yiri Aweys Axmed Sardheye.
Jaamacadda Bosaso faraceeda magaalada Garowe ayaa madasha dooda kusoo bamdhigtay cilmi baaris ay ka sameysay sababaha ay dhalinyarada u tahriibaan, cilmi baaristaan oo ay jaamacaddu ka sameysay labo gobol oo katirsan Puntland, iyadoo ku wareysatay in ka badan 2,000 dhalinyaro ah, oo wax laga weydiiyay waxa qofka dhalinyarada ah ku qasba inuu wadankiisa ka Tahriibo.
Wasiir ku xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Cabdirisaaq Shirre Ismaaciil ayaa sheegay barnaamijkaan inuu yahay barnaamij muhiim ah oo kaalin xoog leh ka qaadan kara inuu dhalinyarada ka saaro fikrada tahriibta, sidoo kale ku dhiiri gelinaya inay wadankooda ku kalsoonaadaan.
Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Maxamed Xaashi (Qoobdeero), ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay naftooda ka ilaaliyaan halista tahribka islamarkaana ay ogaadaan inuusan jirin wadan dalkooda u dhamaada xag shaqo iyo xag nololeed.
Daawo sawiradda.
Sa
(Sawirro):-Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo Sagootiyay Dhalinyaro Reer Puntland oo Jig-jiga Shir uga qayb galaya.
Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland Aways Axmed Sardheeye oo uu weheliyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug DUD MUDUG Jac’far Yuusuf Cabdalla ayaa sagootiyay 5 dhalinyaro ah oo laga soo xulay Gobolada Puntland kana qaybgalaya shir caalami ah oo ka dhacaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Munaasabad kooban oo dhalinyarada shirka ka qaybgalaysa loogu qabtay Garoonka Diyaardaha Cabdulaahi Yuusuf ayaa Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland Aways Axmed Sardheeye kula dardaarmay matalaad dhab ah.
Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland inay guul u tahay Ururka dhalinyrada Puntland in matalaad dhab ah uu ku yeesho shirarka gudaha iyo dibada ka dhacaya kuwaas oo looga tashanayo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii Gudoomiyaha Dalada Ururada dhalinyarada Gobolka Mudug Mudug DUD MUDUG Jac’afar Yuusuf Cabdalla ayaa dhankiisa la dardaarmay dhalinyarada Safarka ubaxaya waxaana uu u raeejayay guul.
PYAN oo ah Ururka dhalinyarada Puntland ayuu Gudoomiye Jac’far uga mahad celiyay dadaalkooda horumarinta dhalinta Reer Puntland.