(Sawirro):-Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo Sagootiyay Dhalinyaro Reer Puntland oo Jig-jiga Shir uga qayb galaya.

Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland Aways Axmed Sardheeye oo uu weheliyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Mudug DUD MUDUG Jac’far Yuusuf Cabdalla ayaa sagootiyay 5 dhalinyaro ah oo laga soo xulay Gobolada Puntland kana qaybgalaya shir caalami ah oo ka dhacaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Munaasabad kooban oo dhalinyarada shirka ka qaybgalaysa loogu qabtay Garoonka Diyaardaha Cabdulaahi Yuusuf ayaa Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland Aways Axmed Sardheeye kula dardaarmay matalaad dhab ah.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland inay guul u tahay Ururka dhalinyrada Puntland in matalaad dhab ah uu ku yeesho shirarka gudaha iyo dibada ka dhacaya kuwaas oo looga tashanayo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Gudoomiyaha Dalada Ururada dhalinyarada  Gobolka Mudug Mudug DUD MUDUG Jac’afar Yuusuf Cabdalla ayaa dhankiisa la dardaarmay dhalinyarada Safarka ubaxaya waxaana uu u raeejayay guul.

PYAN oo ah Ururka dhalinyarada Puntland ayuu Gudoomiye Jac’far uga mahad celiyay dadaalkooda horumarinta dhalinta Reer Puntland.

1

2