(Sawirro):- Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland & wafdi uu hogaaminayo oo Kismaayo Gaaray.

Magaalada Kismaayo  waxaa manta lagu soo dhaweeyay Naadiga Comsed ee Gaalkacyo,iyadoona halkaan ay ku samayn doonaan kulamo saaxiibtinimo oo ay la ciyaari doonaan naadiyo ka dhisan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ahee Jubbaland.

Ciyaartoyda iyo Naadiga Comsed ayaa Safarkooda waxaa ku wehelinayay Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland,Xoghayaha Xariirka Kubada Cagta Gobolka Mudug Yuusuf Carab, iyo Garsoorayaal heer Soomaaliya  ah, iyadoona kulamada ciyaaraha ka sokow kulamo kale uu Kismaayo ka samayn doono Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland.

Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ayaa naadiga waxa akusoo dhaweeyay, Maamulka Degmada, kan Ciyaardaha ee Jubbaland iyo dadwayne kale, waxaana dhamaantood ay shegeen in ay ku faraxsan yihiin naadiga Comsed & wafdiga kasocda Dalada Guud ee dhalinyarada Puntland.

Ugu horayn waxaa hadal kooban Jeediyay Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Tima  waxaana uu sheegay in Kismaayo ay kusoo dhawaynayaan Naadiga Comsed & Dalada dhalinyarada Puntland, iyadoona intaas uu ku daray in Kulamada halkaan ka dhici doona ay sahlayaan isdhexgalka dhalinyarada Soomaaliya

Aways Axmed Sardheeye Gudoomiyaha dhalinyarada Piuntland ayaa dhankiisa hadal uu jeediyay sheegay in muhiim ay tahay xariir iyo wada shaqayn wanaagsan oo dhexmarta Daladaha dhalinyarada Jubbaland iyo Puntland.

‘’Waxaan halkaan u imaanay arrimo isdhexgal Ciyaaro ayuu samayn doonaa Naadiga Comsed, waxaan kaloo anagu kulamo la qaadan doonaa maamulka Jubbaland Hay’adihiisa ha dhalinyarada quseeya  iyo Dalada dhalinyarada, waxaana Is arageenu uu horseedayaa Xariir labada dhalinyaro dhexmara kaas oo Isdhexgal ku salaysan’’ Ayuu Yiri Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland.

Gudoomiyaha Naadiga Comsed Cabdiqani Carabay ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta loogu sameeyay Kismaayo iyo Marti qaadka, dhanka kalena waxaa uu bogaadiyay Nuuradiin aadan Diiriye oo fududeeyay Safarka ay ku soo gaareen Magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Hoos ka Daawo Sawirro

IMG_0005 IMG_0022 IMG_0029 IMG_0032 IMG_0075 IMG_0116 IMG_0121 IMG_0142 IMG_0173 IMG_0174 IMG_0175 IMG_0178 IMG_0191 IMG_0213 IMG_0271 IMG_0285 IMG_0291 IMG_0293 IMG_9982 IMG_9985  IMG_0208 IMG_0255 IMG_0257 IMG_0269 IMG_0288 IMG_9983