Monthly Archives: December 2021

Kulanka Bulshada rayidka Puntland ivo G.K. ee Doorashoyinka federalka

Guddoomiyaha Dalladda PYAN Liibaan Maxamed Xuseen ayaa maanta ka qaybgalay kulan ay wadayeesheen Bulshada rayidka Puntland iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal Mudane Maxamed Xasan Cirro. Kulan ayaa daarannaa is xog waraysi labada dhinac oo la xiriira arrimaha doorashooyinka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa ka war bixiyay halka ay wax u marayaan iyo guud ahaan hannaanka ay wax ugu socdaan. Sidoo kale Bulshada rayidka Puntland ayaa Guddoomiyaha Cirro la wadaagay xogo badan oo la xiriira doorashooyinka iyo khibradihii ay ka dhaxleen doorashadii 2016 ka dhacday dalka.

Kulan ayaa ku soo idlaaday sidii loo dardargalin lahaa guud ahaan doorashooyinka dalka, Doorka bulshada rayidka ee ka qayb-qadashada doorashooyinka dalka uu noqdo mid muuqda.

kor u qaadida xirfada hogaamineed ee dhalinyarada iyo hawenka

Dhallinyarada iyo Haweenka waa lafdhabarta bulshadeenna, waxay xaq u leeyihiin inay qayb ka noqdaan hoggaanka iyo maamulka dalka.

Si loo helo dhallinyaro iyo haween door kuleh jaan-goonyta go’aamada lagu soo xulaayo ama lagu soo dooranaayo hoggaanka iyo maamulka dalka ayaa Dalladda Dhallinyarada ee PYAN oo taageero ka helaysa Xafiiska Diakonia Somalia tababar u qabatay dhallinyaro iyo haween, waxaana lagu tababaray hoggaaminta wanaagsan iyo ka qaybgalka siyaasadda.

Tababarka waxaa ka soo qaybgalay oo furay wasiir ku-xigeenka wasaraadda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeenta Puntland, Madane Cabdiweli Mire Xirsi. Wasiirka ayaa dhallinyarada iyo haweenka kula dardaarmay inay qayb ka noqdaan isbeddellada horumarineed ee ka socda Puntland.

Haddii dhallinyarada iyo haweenka lagu wacyigaliyo oo door lagasiiyo inay qayb ka noqdaan go’aan gaarayaasha masiirka dadka iyo dalka waxaa laga dhaxlayaa bulsho u heellan inay wax ka beddel ku sameeyso hab fikirkeeda Dhaqan, Siyaasadeed iyo Dhaqaale

Xal u helida caqabadaha ka dhashay xanunka Covid-19 ee saameynta u Ku yeeshay waxbarashada.

Caabuqa Covid-19 waxa uu galaaftay nafaha boqolaal kun oo qof, oo dunida daafaheeda ku noolaa, sidoo kale waxa uu saamayn ku yeeshay nooc-kasta oo nolosha aadanaha dunida ku nool.

Meelaha uu saamaynta ba’an ku yeeshay waxaa kamid ah waxbarashada oo isbeddel ku dhacay habkii wax loo baranjiray oo ahaa in macallinka inta uu fasalka soo galo ardayda si toos ah usiiyo casharrada. Habkaasi markii uu meesha kabaxay waxaa soo kor dhay in waxbasharashadii iyo duruustii lagu gudbiyo hab fogaan aragga ah oo ah mid caqabadihiisa wata.

Haddaba waxaa jira dad badan oo aan awooddin helitaanka agabka loo isticmaalo waxbarashada fogaan aragga ah, sida; Computer-ka, Telefon-ka Smartphones-ka ah, Internet-ka iyo Korontada. Si arrintaas xal loogu raadsho ayaa Dalladda ururrada Dhalinyarada ee PYAN oo kaashanaysa Global Campaing for Education GCE ayaa waxay qabatay kulan ay ugu talagashay wacyigalin iyo u-qareemid si loo helo imkaaniyaadka lagama maarmaanka ah ee ka saacidaya dadka aan awooddin ka qeybgalka waxbarashada fogaan aragga ah.

Dadka ay caqabadahaani la soo gudboonaadeen ama la soo dareen waxaa ka mid ah Danyarta, Barakacaaysha iyo dadyowga ku nool meelaha fogfog ama tuulooyinka ah.

Waxaa laga yabaa in dad badani aanay ka war heyn caqabadahaan ay Covid-19-ka kala kulmeen bulshooyinka nugul, sidoo kale aynu wali halis ugu jirno caabuqa oo soo laba kacleeya. Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo oo loo qareemo sidii carruurta bulshooyinka aan kor ku soo sheegnay aanay uga hari laheyn waxbarashada.